MAXAA BURBURIYEY SOOMAALIYA? MAXAASE XAL NOQON KARA?


larger image
Title: MAXAA BURBURIYEY SOOMAALIYA? MAXAASE XAL NOQON KARA?
Written by:Saleban M. Said (Dhoodi)

$15.95(paperback)



MAXAA BURBURIYEY SOOMAALIYA? MAXAASE XAL NOQON KARA?

Noole kasta oo aduunka guudkiisa saarani in kasta ha le'ekaadee wuxuu leeyahay cadow ugaarsada, waxaana noole kasta oo dareen leh waajib ku ah inuu ku baraarugo deegaankiisa ugu horayna barto cadowgiisa, ka dibna la yimaadaa farsamo iyo xeelad uu isaga difaaci karo. Haddii uu san nooluhu la imaan farsamo iyo xeelad wuxuu noqonayaa mid baylah u ah una nugul inuu xilli kasta ku dhaco dabinka cadowgiisu u dhagayo iyo farsamooyinka uu ku ugaarsanayo.

Hadaba Soomaalidu ma ku baraarugsan yihiin cadowgooda soo jireenka ah? Mase garanayaan? mase leeyihiin xeelad iyo farsamo ay uga hortagi karaan? Buugaani wuxuu tooshka ku ifindoonaa cadowga dhabta ah ee ummadda Soomaalida. Wuxuu muujin doonaa qaybaha cadowga Soomaaliyeed iyo sida qayb waliba u shaqayso.

Waxaa kaloo buugu xusi doonaa sidii cadowga Soomaaliyeed u burburiyey Qarankii Soomaaliyeed iyo dhibtooyinkii uu shacabka Soomaaliyeed u gaystay burburkii ka dib. Ugu danbaynta buugu wuxuu soo bandhigi doonaa barnaamij dib u heshiisiin ah iyo talooyin qoraagu xal u arko.