Title:UUR KU TAALO JACEYL Written by:Abdihakim Aden
(Baarri)
Lion's Share/Qayb Libaax (A Somali Bilingual
book) "Abbaayo, wuxuu ahaa dhalintii uu Baadarigii Talyaanigu u qeybin jiray
Mootooyinka ee ka baxay Diintii Islaamka. Waxaan ku arki jirey dugsiga luqadaha
ee XALIIMO & Kaltuurada Talyaaniga. Xaqiiqdii waan naxsanaa meeshaad isku
barateen kolkii aan isku kiin arkay saakey, run ahaantiina abbaayo waan
kaala hanweynaa kaa oo kale, xattaa cindigeyga mar qur ah kuma soo dhicin
walaashaa baa baran ama la hadlikaa oo kale� baa Cibaaro si lama filaan
ah u tiri.